Abu musa Jabir ibnu Hayyan.
Abu Mūsā Jābir ibn Hayyān, oo ay ugu yeeri jireen Geber a haana aabihii kiimistiriga, waa mid kamidda, culimadda muslimiinta ee caalamkaan wax k usoo kordhisay, wuxuuna noola qarnigii 8aad, kaaso o loogu yeeri jiray xiligii dahabka waayo laga so o bilaabo waqtigaas ilaa qarnigii 14aad waxaa si xiriira cilmiga sayniska hogaanka uga hayay culimo muslimiin ah.
Jabir Ibn Hayyan, Wuxuu ahaa Qoraa, kiimistiri yaqaan , iyo faylasoof , waana mid kamidda kuwa ugu wayn ee kiimistiraga wax kusoo kordhiyay. Ha noqoto aragtiyo ama qalab ka isticmaalaba.
Xiligii dahibiga ahaa, muslimiinta ahi, waxay ahaayeen kuwa dhan walba hogaanka u haya, haday noqon laahayeen dhanka dhismaha, dhanka daaw o samaynta, dhanka wax alifida ama hindisaha. Jabir aabihii, wuxuu usoo haajiray magaladda kufa oo kutaala dalka ciraaq. Isagoo ka yimaada y dalka yemen. Xiligii dawladdi uma wiyiintu ay taladda hayeen
Jabir abihiis w uxuu kulahaa magaladda, kufa farmashi l agu iibiyo daawadda. Taasoo keentay in jabir ku takhakhuso cilimiga kiimistirigga. Waayo wuxuu caawiye ka ahaa farmashiga aabihiis. Hadal laga hayo faylasoofkii reer biritan -Francis Bacon. Wuxuu sheegay in J abir ibnu hayyam ahaa, Qofkii ugu horeeyay ee calamka barra, cilimiga kiimistiriga ama kiimikadda.
Jabir wuxuu aad ugu takha-khusay uumi bicinta ama (Eveporation) iyo sifaynta waxyaabaha kiimikadda ( Distilation) iyo (sublimation oo ah in adke loo bedelo hawo) Sidoo kale wuxuu curiyay, aaladdo ama qalabo ilaa maanta loo adeegsaddo kiimistiriga. Tusaale sidda loo sameeyo aashitadda, ranjigga, hababka birta looga ilaalin karo inay noqoto mid daxalaysata,
Jabir waa ninkii ugu horeeyay, tijaabiyayna, in macdanta uu ka dhigo dahab. Tasoo sababtay in dad baddan ka yaabisay, kuwaasoo sheegay inuu yahay nin ay la shaqeeyaan jin. Saas darteed culimadii magaladda joogay waxay ku xakumeen dil jabir. Jabir waxaa soo gaarsiiyay warkaas mid kamidda ardadiisii. Wuxuuna kala baxay kutub dhawr ah gurigiisa.
Abu Mūsā Jābir ibn Hayyān, Wuxuu qoray kudhowaad 3000 oo kitaab mana ahayn dhamaantood kuw a kusaabsan kimistiri, waxaana kami d ahaa culuumta xisaabaadka, falsafadda, iyo cilmiga dawadda. Kitaabkiisa ugu caansan waxaa la dhehi jiray al kabiirul shaamil, kaasoo uu kuso o koobay wuxuu yaqaanay oodhan. Iyo kuwa kaleba.
Sidoo kale waxaa jiray kutub baddan oo uu qoray kuwaaso, loo tarjuma y luqadda kala duwan haba u badnaadeene luuqasa giriiga.
Qore- sameer Abdi-aziz
Comments
Post a Comment