Komodo  dragon,  Waa  mid  kamidda qor-qorotooyinka  ama dhadhamisada hadba saad utaqaan,  midd a ugu wayn ee aduunka kunool,   si kale  ama ugu dheer,   Marka  loo fiiriyo xaga dhererka, Waana  saddex mitir dhererkeedda tooska ahi . Waxaa  laga  helaa, wadanka  Indonosia,  gaar ahaan jasiiradda   komodo, ee kutaala  island taaso,  dadka  kunool magaladaas  tiradooduna gaarayso, 2000 qof.


Markii ug  horaysay, waxa  lagu  arkay xayawaankaan. Hiddawadihiisaoo loo yaqaano V.komodoensi  Qaaraddaa australia,   muddo laga joogo 3.6  milion  oo sanno sida ay sheegayaan taariikhyahanaddu.


sidaas si lamidanna waxaa  mudo  anan  ka fogayn isla waqtigaas laga  helay  wadanka indonosia jasiiradda komodo dragon oo loogu magac daray xayawaankaan.


Waxay leedahay qaniinyo, kulul  markay,  ay xayawaanadda  kala qaniinto ama cunto.  Sidoo kale,  Waxay  leedahay,  Labbo qanjir,  Kuwaasoo,  laga soo  siidaayo  Qanjiradda gaar ahaan  kuwa  daamamka  hoose,  Sun ka samaysan   protien, kuwaasoo  ka istaajinaaya  ama  mudiidaya  xayaaaanka  in dhiigo  ka istaago  ama xinjirta udiido  ( anti-coagulant ). Markaasna  xayaaaanka dhiiga si dhakhso ah uga baxo, taasoo  ay sababayso in xayaaaanka dhibaatadu gaartay si fudud dhulka ugu dhaco.


 komodo,  waa  xayawaan  kunool ugaaris inta ugu,  badanna  ugaarsadda  xayawaanka la dheho deeradda  oo ay qaab  gaadmo  ah u ugaarsato iyo  xayawanadda  xamaaratooyinka ah,  ee  anan lahayn socodka ama orodka xawaaraha sare leh. Sidoo kale xayawaankaan, Wuxuu handadaa ama cunaa dadka.


Layaabka  uleeyahay,  xayawaankan ayaa ah in marka  uu rabbo inuu taran sameeyo inay labka iyo  dhedigga  isu tagaan  inta baddan bilo cayimman,   Bilaha maayo iyo agoosto. Marka lagaaro  bisha  sabteembarna inuu dhalo, 20 ukumood  markiiba.


 Markaas  kadib  ayay  ku  fariisataa,  si ay usamayso  inay qarxiso  una  bedesho dhalaan ukumahaan,  Waxay  qaadaata  inay noqdaan kuwo  qaan gaar  ah 8  ilaa 9 sano,  sidoo kale xayawaankaan  wuxuu  noolaan karaaa muddo 30 sano ah.


Ugu damayn  komodo dragons,  waxay   ka tirsantahay   hidda  wadaha  ka dheho varanus,  Markii  ugu  horaysanna  waxaa  laga helay qaradda aasiya,  kahor  inta  aysan uguurin dalka australia.


Kiisasaka ay dadka aadamaha ah ugaysatay inta wax laga qoray waxaa kamid ah:-


Sanadkii 2001 Waxay waxyeelo weerar ah ugaysatay,  phil Bronstein kaasoo ahaa Joornaaliiste udhashay dalka maraynka.


Sanadkii 2008, Waxay koox dalxiisayaal ah kudishay kaymaha, scuba drivers oo kudhow dragon islam ay qaar kamid ah dhaawac ugaysatay.


Sanadkii 2009, Muhamed anwar oo ahaa 31 jir ayay kucuneen labbo dragon ah isagoo  kasoo dhacay geed sonkor oo uu qasab ka guranayay ah halkaasna ku dileen.


Sanadkii 2017,  Lon lee alle oo 50 jir ahaa ayay dhaawac lugta ah ugaystay xayawaankan, jasiiradda komodo ee kutaala island.


Fadlan qoraalkaan asxaabtada lawadaag share dheh, si ay ubartaan xayawaankaan khatarta baddan,  mahadsanidin.


#Share


Qore:  sameer Abdi-aziz


Comments

Popular Posts